(Bologna) 27 Sebt 2023 – Wakiilka weeraryahanka Napoli ee Victor Osimhen ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan kooxda Napoli.
Laacibka Osimhen ayaa aad u caraysan kaddib markii muuqaal baraha bulshada ah laga sii daayey kooxda oo ku jees jeesaya rigoore uu khasaariyay kulankii ay Axaddii ay 0-0 la galeen Bologna.
Wakiilka Roberto Calenda ayaa soo saaray bayaan, isagoo ku dhawaaqay: “Waxa maanta ka dhacay bogga Napoli ee TikTok ma ahan wax la aqbali karo. Fiidiyow ku jees jeesaya Victor ayaa markii hore lasoo dhigay, kaddibna, waa la tirtiray.
“Waa xaqiiqo halis ah oo dhaawac aad u daran u gaysatey ciyaartooyga, taasoo kusii kordhaysa dhaqankii uu wiilkani la kulmayey muddadii u dambaysey min imtixaan warbaahineed ilaa warar been abuur ah.
“Waxaan xaq u leenahay inaan qaadno tillaabo sharci ah iyo dadaal kasta oo faa’iido leh oo lagu ilaalinayo Victor.” ayuu raaciyey.
Falcelinta Calenda ayaa timid kaddib markii Osimhen uu tuuray wax gacanta ugu xirnaa markii uu bedeley tababare Rudi Garcia qaybtii labaad ee kulankaa barbarraha ku idlaaday.
Osimhen ayaa la sheegay inuu boggiisa ka masaxay dhammaanba sawirrada kooxda isagoo sidoo kale iska indha tiray laacibiinta kooxda markii uu sii gelayey hoteelka kooxda, tiiyoo caawa la filayo inuu safto kulanka Udinese ay kula leeyihiin Stadio Maradona, balse indhuhu waxay caawa eegayaan sida ay ula dhaqmaan taageerayaasha Partenopei oo arrintan ku kala jaban.
Hadalsame Media