”Waa nin kubadda yaqaan” – Ancelotti oo farta ku fiiqay macallinka uu jeclaan lahaa inuu uga tago Real Madrid

0

(Madrid) 27 Sebt 2023 – Tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa ka hadlay macallinka qura ee uu ku aamini karo ugana tegi karo kooxdaasi.

Wuxuuna soo dhuftay tababaraha Bayer Leverkusen ee Xabi Alonso oo mar kale lala xiriirinayo shaqada Ancelotti todobaadkan.

Ancelotti ayaa sheegay in wadahadallada qandaraas cusubi “aysan wax wayn ahayn” wuxuu sidoo kale yiri: “Anigu aad ayaan ugu faraxsan ahay halkan, waxaa jira kulamo badan, waxaana diirada saarayaa taas.

“Waxaan layliyey isaga (Xabi) ciyaaryahan ahaan, aqoon sare ayuu u leeyahay kubada cagta, si fiican ayuu wax u wadaa Bayer, waxaana u rajaynayaa sida Raúl iyo Arbeloa inuu noqdo tababaraha Real Madrid,” ayuu raaciyey.

“Waan garanayaa iyaga, aad ayaana u jeclahay, waxaan rajaynaynaa inay maalin uun macallimiin ka noqdaan Real Madrid”. ayuu kusoo afjaray.

Hadalsame Media