Osimhen oo sameeyey arrin quus sii gelinaysa inuu sii joogo SSC Napoli kaddib goolkii Udinese (Daawo)

0

(Napoli) 27 Sebt 2023 – Victor Osimhen ayaa dhaliyey goolkii labaad ee Napoli kulankii Udinese fiidnimadan Arbacada ah ay kaga badiyeen kaddib markii loo doortay inuu kusoo bilowdo kulanka Serie A inkastoo xiriirka ciyaaryahanka iyo kooxda uu xumaaday 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Laacibka reer Nigeria ayaa soo afjaray afartii kulan ee uu sugayey inuu gool dhaliyo, isagoo daqiiqadii 39-aad dhaliyey goolka labaad ee Napoli kaddib markii ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Poland ee Piotr Zielinski uu hoggaanka u dhiibey kooxda martida loo ahaa.

Osimhen ayaa waxaa baas u dhigay reer Talyaani Matteo Politano, waxaana uu si deggan u daba mariyey Marco Silvestri oo shabaqa Udinese ilaalinayey.

Yeelkeede, laacibka reer Afrika ayaa iska diidey inuu u dabbaaldego goolkaasi, taasoo muujinaysa sida aanu kooxda ugu faraxsanayn, isagoo maantana aan salaanta ka qaadin qaar ka mid ah xiddigaha kooxda oo fadhiyey bannaanka hoteelkii ay joogeen.

Osimhen ayaa ah laacib suuq wayn leh maadaama uu yahay 9 farta ka xiran oo gool dhalinta aad ugu wanaagsan kana mid ah weeraryahannada dhexe ee haatan dunida ugu wanaagsan.

Halkan kasii aqri waxa khaldamay…

Hadalsame Media