Dhallinyarada Muqdisho oo helay goob cusub oo ay u dalxiis tagaan (Daawo)

0

(Muqdisho) 27 Sebt 2023 – Maanta dunida waxaa laga xusayaa Maalinta Dalxiiska Aduunka, dadka magaalada Muqdisho waxa ay badanaa u dalxiis tagaan xeebaha.

Yeelkeede, bilihii u dambeyay waxa ay qaarkood u dalxiis tagayeen degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee caanka ku ah beeraha ku yaalla hareeraha webiga Shabeelle, maaddaama la dhisay waddada isku xirta Muqdisho iyo Balcad.

Wariyaha BBC Maxamuud Cabdicasiis ayaa warbixintaan ka sameeyey dhallinyaro badan oo ku qulqulaysa Degmada Balcad, tan iyo markii dib loo dhisay jidka laamiga ah.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media