Ukraine oo kashiftay fashil lasoo gudboonaadey taangiga ugu muhiimsan Maraykanka ee Abrams

0

(Kyiv) 26 Sebt 2023 – Taangiyada Abrams ee Maraykanku sameeyo waa in loo adeegsado hawlgallo gaar ah, haddii kale waxaa si deg deg ah u burburin doona ciidamada Ruushka, sida uu qabo Kirill Budanov, oo ah Madaxa Agaasinka Sirdoonka Main (GUR) ee millateriga Ukraine.

Ukraine waxay “rajaynaysaa” inay hesho 31 xabo oo ah tawaangida Abrams M1 oo ah taangiyada dagaal ee ugu muhiimsan ee ay Washington u ballanqaaday inay siinayso bishii Jannaayo, sida uu Budanov ku sheegay waraysi uu siiyay website-ka War Zone.

Intii lagu guda jirey kulankoodii Khamiista ee Aqalka Cad, Madaxwaynaha Maraykanka ee Joe Biden ayaa wuxuu u sheegay dhiggiisa Ukraine ee Vladimir Zelensky in taangiga ugu horreeya ee Abrams M1 ihi uu imaan doono Ukraine “todobaadka soo socda.”

Si kastaba ha ahaatee, Madaxa Sirdoonka ayaa ka digey in haddii hubka Maraykanka la geeyo “jiidda hore oo ay galaan dagaalka, aysan ku noolaan doonin waqti dheer goobta dagaalka” Ruushka lagula jiro.

Si loogu isticmaalo sida ugu wanaagsan taangiyadan, Kiev waa in ay ka howlgelisaa oo kaliya “dagaallo gaar ah, oo si wanaagsan loo diyaariyey” sida howlgallada la jebiyo ee la cayrsanayo cadowga, sida uu qabo.

Arrintan ayaa muujinaysa in taangiga uu Maraykanku ku faanaa uu durba ku fashilmay dagaalka.

Weight, survivability and logistics: Army lays out priorities for M1E3 Abrams design - Breaking Defense

Hadalsame Media