Midowga Afrika oo go’aan ka qaatay dalabkii DF Somalia ee ahaa in 90-cisho dib loo dhigo bixitaanka ATMIS (Daawo)

0

(Addis Ababa) 26 Sebt 2023 – DF Somalia ayaa Jimcihii dhowayd warqad u qortay Golaha Ammaanka ee QM oo ay ka codsadeen in dib loo dhigo bixitaankii la qorsheeyey ee ciidamada ATMIS muddo 3 bilood ah.

Midowga Afrika oo horay u sheegay inay ka ”xumaadeen” warqaddan ay Somalia u dirtay Golaha Ammaanka ee QM ayaana haatan ku adkaystay in bixitaanka Ciidamada Nabad Ilaalinta KMG ah ee ATMIS uu sidiisii u soconayo, sida ay faafisay Al Jazeera English.

DF Somalia ayaa la sheegay inay si rasmi ah Golaha Ammaanka uga codsaday in bixitaanka ATMIS dib loo dhigo muddo 90-cisho ah, kaasoo ilaa iminka ay ku bexeen 2,000 oo askari oo ka mid ahaa 17,000 oo askari oo ka tirsan Howlgalka ATMIS.

Haddaba, kaddib warkan kasoo yeeray AU oo u muuqata mid la xafiiltantay DF Somalia, waxaa la filayaa inay baxaan ilaa 3,000 oo askari dhammaadka bishan Sebtembar, iyadoo DF Somalia lagu dhaliilay qaabka ay arrintan u wajahdey oo uu ”hab-raacu ka khaldanaa, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan AU oo aan la magacaabin.

Askariga ugu dambeeya ATMIS ayaa lagu wadaa inuu Somalia ka baxo dhamaadka sanadka soo aaddan ee 2024-ka gaar ahaan bisha Diseembar, balse uma muuqato in xilligaas ay dhibaatada jirtaa kusoo afjarmayso, waloow AMISOM iyo hadda ATMIS lagu eedeeyo inay dagaalka ka faa’iidaysanayeen, halkii ay arrinta wax ka qaban lahaayeen, in kastoo eedda badiyaa ay sidoo kale leeyihiin hoggaanka Somalia oo aan muujin daacadnimo, bisayl iyo siyaasad midaysan oo qaran.

Hadalsame Media