(Muqdisho) 26 Sebt 2023 – Waxaa ilaa shalay baraha bulshada ka shidan dood ka dhalatay cambe lagasoo dhoofiyey dalka Masar oo ka degey Dekedda Muqdisho, kaasoo qiimaha ku qoran oo ah $2 Doollar, uu ka sarreeyo celceliska qiimaha la siiyo cambaha maxalliga ah ee dalka.
Arrintan oo muujinaysa fashilka siyaasadda ganacsi ee DF Somalia oo kasoo bixi waydey hal qodob oo dugsi hoose ah marka ay timaado ilaalinta danaha ganacsatada iyo dadka maxalliga ah si aysan ugu ban-bixin hardan aan cadaali ahayn oo qalaad, ayaa waxaa ka qayliyey dadwayne fara badan.
Yeelkeede, qayladu waloow ay kaliya saaran tahay dhanka sicirka iyo tayada kala duwan ee cambaha Somalia oo dunida oo idil uga jira kaalinta 2-aad kaddib midka Hindiya oo sidoo kale ah dalka dhoofiya cambaha ugu badan dunida oo ay suuqa ka haystaan 55%, misna waxaa jira warar sheegaya jiritaanka dhibaato kale oo la socota cambaha Masaarida.
MAXAA KA JIRA? Masar waxay ka mid tahay dalalka ay jilbaha dhigatay shirkadda Maraykanka ah ee beeraha ka xoolaysatay ee Monsanto oo marka lagu daro Bayer oo Jarmanka ah dunida ku baaxiya abuurka miraha loo yaqaan GMC iyo GMO oo ah dalag hidde-sidkiisii la macmalay, dadka qaarna ay ku naanaysaan ”quudkii naarta”, halisaha caafimaad ee la socda dartood.
Monsanto, waloow ay haatan Masar joogto misna tiknolojiyaddeeda halista ihi weli ma gelin cambaha Masar, balse waxaa taagan dood sharci ah oo ka dhaxaysa Dowladda Masar iyo Monsato oo salka ku haya galleey lagu beeray dalkaasi iyadoo aan ogolaansho laga helin wasaaradda ku shaqada leh ee Degaanka oo ay midda ay tahay inay fasaxdo wixii miro ama dalag ah oo adeegsanaya farsamooyinka GMC iyo GMO.
Dowladda Masar ayaa shatiga siisay Monsanto 2008 si ay dalkaasi usoo geliso, ugu beerto uguna iibiso galleey loo adeegsanayo farsamada GMC, balse marka ay khaladka gashay Monsanto oo ahayd 2010-kii kaddib, Wasaaradda Beeraha Masar ayaa la wareegtey galleeydii maadaama aanay rukhsad haysanin, ilaa haatanna murankii ayaa taagan.
Sidaa darteed, markii aan baarnay ma helin wax muujinaya in cambaha MASAR ay ku jirto farsamada GMC.
Hadalsame Media