(Hadalsame) 26 Sebt 2023 – Xoghayaha Difaaca Maraykanka ee Lloyd Austin ayaa sheegay in ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, balse waxa uu ka digey in kooxdan argagaxisada ahi ay weli “ka dhoofin karaan howlo argagaxiso meelaha aan la maamulin”.
“Waxaan filayaa inay (ciidamada Soomaaliya) sameeyeen horumar ka badan kuwii la sameeyey shantii sano ee lasoo dhaafay,” ayuu Austin u sheegay weriyeyaasha isagoo ku sugan Jabuuti oo uu kula kulmay MW Somalia, Xasan Sheekh, iyadoo hadalka Xoghayaha loo fahmi karo inuu nidaamkii hore ku dhaliilayo ka gaabinta arrintan.
Austin ayaa Axaddii magaalada Jabuuti kula kulmay Madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo qayb ka ah booqashadiisii ugu horreeysey ee uu ku tago qaaradda Afrika isagoo ah xoghayaha difaaca.
Horay, Austin ayaa la kulmay Madaxwaynaha Jabuuti iyo Wasiirka gaashaandhigga, isagoo uga mahadceliyay martigelinta saldhigga koowaad ee Maraykanka ee Afrika iyo taageerada ay Soomaaliya ka siiyeen dagaalka ay kula jiraan kooxaha xagjirka ah.
Ciidamada Soomaaliya iyo maleeshiyo beeleedyada huwan ah ayaa sii wada inay Al-Shabaab ka saaraan Gobollada Dhexe ee Soomaaliya taasoo qayb ka ah duullaanka millateriga ee dalka tan iyo markii Madaxwaynaha Somalia uu ku dhawaaqay “dagaal guud” oo ka dhan ah maleeshiyadan bishii Agoosto 2022-kii.
Hadalsame Media