Booliiska Soomaaliya & Ciidamada Itoobiya oo is xabadeeyey & Hoggaamiye kooxeed lagu amray inuu ka boxo Gedo

0

(Doolow) 26 Sebt 2023 – Warar kasoo baxaya dagaal u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo kuwa Booliska Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay Degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Dagaalkan oo ahaa mid la is-rasaaseeyey ayaa yimid kaddib markii ay ciidamada Booliiska Soomaaliya ay dhegaha ka furaysteen amar ay ciidamada Itoobiya soo saareen oo ku aadanaa qaadista koontaroolka ciidamada Somalia ay ku leeyihiin Degmada Doolow.

Khasaaraha ka dhashay ilaa hadda lama oga.

Dhanka kale xiisad ayaa ka taagan gobolka kaddib markii ciidamada Itoobiya ay ku amreen inuu gobolkaasi isaga baxo hoggaamiye kooxeedkii hore ee Soomaaliya, Barre Hiiraale.

Tallaabadan ayaa sababtay in ciidamo iskasoo horjeeda ay isku urursadaan halkaasi, iyadoo dadka degaanku ay ka cabsi qabaan in uu dagaal qarxo.

Hadalsame Media