Xog dheeraad ah oo laga keenay ninka MW Uganda aqoonsiga u raadiyey ee ku hungoobey

0

(Washington, DC) 25 Sebt 2023 – Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa shaaciyay in uu aqalka madaxtooyadda dalkaas kula kulmay ergayga gaarka ah ee Somaliland Dr Jaamac Muuse Jaamac, oo ay ka wada hadleen arrimaha Somaliland iyo Somalia.

Museveni oo ciidamadiisu kaalin weyn ku leeyihiin howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu aqbalay in uu door nabadeed iyo dhexdhexaadin ka ciyaaro arrimaha Somalia iyo Somaliland. Waxa uu intaa ku daray in labada dhinac ay u baahan yihiin inay wada hadlaan oo midnimo ku heshiiyeen, taas oo ah arrin ay horey uga miro diiday Somaliland, oo dooneysa inay noqoto jamhuuriyad madaxbanaan oo la aqoonsan yahay.

Museveni oo ah hoggaamiye jabhad oo hore oo xukunka dalkaas hayay todobo iyo soddonkii sano ee u dambeeyay, ayaa loo arkaa in uu saameyn weyn ku leeyahay siyaasadda amniga ee Soomaaliya, isaga oo tababaray kumanaan ciidan Soomaali ah, islamarkaas na dhowr jeer dhexdhexaadin iyo heshiisiin u sameeyay siyaasiyiinta Soomaaliya xilliyo kala duwan.

Waa kuma Dr Jaamac Muuse, Ergayga gaarka ah ee Somaliland?

Madaxweyne Biixi iyo Dr Muuse Jaamaca

XIGASHADA SAWIRKA,DR MUUSE JAAMACA

Dr Jaamac Muuse ooo sannadkii 1967-kii ku dhashay magaalada Hargeysa ee Somaliland waxa uu ka mid yahay qurba-joogta dib ugu soo noqotay deeganadaas ee kaalinta weyn ku laheyd dib u dhiska bulshada kadib burburkii xoogganaa ee kasoo gaaray duqeymihii dowladdii kacaanka ee Hargeysa, iyo colaadihii ka dambeeyay ee beelaha dhexdooda ka qarxay.

Waxa uu wax ku bartay oo ku barbaaray Haregysa oo uu ku qaatay waxbarashadiisa hoose iyo dhexe, isaga oo ka mid ahaa dadkii hormuudka u ahaa bandhiga caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa oo ah kii ugu horreeyay, ugu na faca weyn ee noociisa ah oo lagu qabto dhulka Soomaalida.

Waxbarashadiisii aas-aasiga ahayd kadib, waxa uu Dr Jaamac Muuse u aaday Muqdisho waxbarashada sare ee jaamacadda, isaga oo ku biiray Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed.

Muqdisho waxa ay xilliyadaas ahayd halka kaliya ee laga heli karay waxbarasho jaamacadeed guud ahaan Soomaaliya. Afar sano iyo bar uu dhiganayay kulyadda xisaabta kadib, waxa uu waxbarasho kale oo jaamacadeed u aaday Talyaaniga isaga oo ku biiray Jaamacadda Pisa. Waxa uu shahaadada PhD ka qaatay Università degli Studi di Napoli “L’Orientale”. Waxaa xusid mudan in Jaamac uu safiican ugu hadlo luuqadda Talyaaniga.

Jaamac Muuse waa cilmibaare, qoraa iyo dhaqanyahan, isaga oo qoray lix buug oo labo ka mid ah ay la xiriiraan ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida. Waxaa sidoo kale loo arkaa in uu yahay nin xiriiro badan oo caalami ah leh, islamarkaasna kaalin weyn ku leh dedaalka aqoonsi-raadinta Somaliland.

Sannadkii 2014-kii waxa uu aasaasay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo uu Agaasime ka noqday. 2019 Dr. Jaamac Muuse waxa uu ku biiray xarunta cilmi baarista Associate the Center of African Studies ee SOAS.

Jaamac ayaa hadda ah la taliyaha madaxweyanaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee arrimaha dibadda.

Maxay Somaliland ka tiri hadalkii Museveni?

Wasaaradda arrimaha dibeda ee Somaliland ayaa ka hortimid hadalka madaxweynaha Uganda ee ah ee Somalia iyo Somaliland ay yeeshaan wada hadal kusoo dhamaada midnimada labada dhinac kale. “Somaliland waxa ay mar labaad u caddaynaysaa Midowga Afrika iyo beesha caalamka inteeda kaleba in aanay qorshaha ugu jirin wada hadal ay kaga wadahadlaan midnimada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibeda oo lagu cadaynayay halka ay Somaliland ka taagan tahay wadahadalada Soomaaliya.

Hadalka Somaliland ayaa ku soo beegmaya iyadoo qoraal iyadoo madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu dhex-dhexaadiyo Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweyne Museveni ayaa qoraal uu soo dhigay X (Twitter) ku sheegay in labada dhinac ay wajahayaan caqabado isku mid ah, ayna u baahan yihiin inay midoobaan.

“Dadku waxay la kulmayaan caqabado isku mid ah iyadoon loo eegayn midab iyo diin; sidaa darteed waa inay qaataan siyaasadda danta, oo ka muhiimsan siyaasadda aqoonsiga,” ayuu yiri Museveni.

Qoraalka madaxweyne Museveni wuxuu sidoo kale ku sheegay in Dr Jaamac Muuse Jaamac oo ah ergeyga gaarka ah ee Somaliland ka socda uu ku soo booqday aqalka madaxtooyada Entebbe, isaga oo hadalkiisa raaciyay in uusan taageersaniin in Somaliland ay ka go’do Somalia, “waayo, xeelad ahaan, waa arrin khalad ah,” ayuu yiri Museveni.

Halkey ka soo billowdeen wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya?

Calanka Soomaaliya iyo midka Somaliland

Fikrika ah in ay wada hadlaan Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland wuxuu markii ugu horeysey ka soo billowday shirkii caalamiga ah ee Soomaaliya loogu qabtay magaalada London, sannadkii 2012-kii. Mid ka mid ah qodobadii shirkaasi ka soo baxay waxa uu dhigayay in “beesha caalamka ay taageerto ahmiyadda ay leedahay in wadahadalo ay dhexmaraan” Somaliland iyo Dowladd Federaalka ee Soomaaliya.

Dhawr bilood ka dib shirkaasi waxaa isla magaalada London ka qabsoomey shirkii ugu horeeyey ee fool ka fool ay isu soo horfadhiistaan labada dhinac, wuxuuna shirkaasi dhacay 20-kii bishii June, 2012-kii.

Si loo dardargeliyo dadaallada wadahadallada Somaliland waxay meelmarisay qaraar u oggolaanayay inay wadahadal toos ah la gasho dowladda Soomaaliya. Waxaana tan iyo xilligaas dhacay ilaa lix shir oo looga arrisanayay arrimahan.

Dhowr bilood uun ka dib shirkii Soomaalida ee London, waxaa bilowday wadahadallo la xiriira – midnimo ama madaxbannaani. Waxaana ka mid ahaa midkii dhacay Bishii Juun, 2012-kii.

Ujeedada shirkaas, oo ay martigelisay dowladda UK, wuxuu ahaa in waddada loogu xaaro waxa xaajoodka la xiriiray qodabadii ay labada dhinac ka wada hadli lahaayeen.

Wakiiladii ka socday Somaliland ayaa markaasi ka carooday in shirka lagu soo daray masuuliyiin ka socday dowladda Puntland.

Somaliland ayaa si iskeed ah madaxbannaani ugu dhawaaqday markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ku dhawaad 30 sano ka hor.

Tan iyo xilligaas waxay masuuliyiinta raadinayeen aqoonsi caalami ah, balse Dowladda Federaalka ayaa u aqoonsan inay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya.

Waxaa jiray wadahadallo dhawr ah oo dhermaray labada dhinac oo ugu dambeeyay kii Jabuuti ka dhacay kaas oo aysan ka soo bixin natiijo wax ku ool ah.

BBC

Hadalsame Media