(London) 25 Sebt 2023 – Taageerayaasha kooxda Chelsea ayaa rikoodhkoodii u dambeeyey ee ay kooxdu dhigtay ku tilmaamay wax aan la aqbali karin kaddib guuldarradii niyadjabka lahayd ee 1-0 ay ku dhufatay Aston Villa galabnimadii Axaddii.
Guuldarradan ayaa la macno ah in Chelsea ay hoos ugu dhacday kaalinta 14-aad ee kala sarraynta Premier League, iyadoo walaac laga dareemayo dhanka kooxda Mauricio Pochettino oo ku guuldarraystay inay wax gool ah dhaliyaan saddexdii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka.
Waxay tani timid kaddib markii Blues ay ku kharash garaysay in ka badan 1 bilyan oo ginni saxiixyo cusub tan iyo markii milkiilayaasheeda hadda, Todd Boehly iyo Clearlake Capital ay la wareegeen kooxda bishii Maajo 2022.
Tan iyo markaas, kooxdu waxay yeelatay seddex macallin oo kala duwan, iyadoo Pochettino uu hoggaaminta kooxda la wareegey xagaagan.
Ciyaarta kaddib taageerayaasha Chelsea ayaa bartooda Twitter-ka ku weeraray kooxdooda iyagoo qaarkood ku tilmaamay wax aan la qaadan karin bandhigga iyo natiijada kulamadii ay dhawaanahan ciyaareen.
Mid ayaa soo qoray: ‘Sidee Chelsea uga timid ku guulaysiga Champions League 2021-kii ilaa iyadoo aan awoodin inay hal kulan badiso? 6 guulood tan iyo Oktoobar 2022-kii waa mid aan la aqbali karin…’
Qaar kale ayaa iyaguna saadaaliyey in Chelsea ay hadda kaddib iska noqonayso koox iska dhexdhexaad ah oo ay dhammaadeen waayeheedii, halka qaarna ay dhaliileen shaxda, taatikada iyo go’aammada macallin Poch, sida ay qabaan.
Hadalsame Media