Ruushka oo sharraxaad ka dalbaday Canada oo u ”sacbisay” cunsuri ka tirsanaa Naasigii Hitler

0

(Ottawa) 25 Sebt 2023 – Ruushku waxa uu Canada ka dalban doonaa sharraxaad ku saabsan inuu Baarlamanka dalkaasi uu si wayn usoo dhoweeyey nin u dhashay Ukraine oo kasoo shaqeeyay qayb Nazi ah intii lagu jirey Dagaalkii Labaad ee Yurub, sida uu sheegay Oleg Stepanov, Safiirka Moscow ee Ottawa.

Muranka ayaa markii ugu horreeysey soo shaac baxay todobaadkii hore markii AP ay soo bandhigtay sawir lagasoo qaaday aqalka Baarlamanka oo muujinaya Vladimir Zelensky, Madaxwaynaha Ukraine oo dhoollacadeynaya, isagoo feer duubanaya isagoo uu wehliyo Ra’iisul Wasaaraha Canada, Justin Trudeau, isagoo u sacab tumaya ninkan oo shaashad ka muuqda.

Cinwaanka sawirka ayaa lagu qoray in labada hoggaamiye “ay u aqoonsadeen Yaroslav Hunka, oo la dagaallamay Qaybtii Koowaad ee Ukraine Dagaalkii Labaad ee Yurub kahor inta uusan usoo guurin Canada.”

Afhayeenka Aqalka Wakiillada ee Anthony Rota ayaa soo bandhigay Hunka, oo 98-jir ah, inuu yahay “Ruug-cadaa Yukreeniyaan-Canadian ah…

“Waa geesi Yukreeniyaan ah, misna Canadian ah, waxaana uga mahadcelineynaa dhammaan adeeggiisa,” ayuu raaciyey.

Si kastaba ha ahaatee, ‘Qaybta Koowaad ee Ukraine’ waxaa sidoo kale loo yaqaan ”Qaybta 1-aad ee Galicia’, oo sidoo kale loo yaqaan 14-aad Waffen SS-Volunteer Division, kaasoo uu sameeyey Nazi-gii Germany qaybtii labaad ee Dagaalkii 2-aad, isagoo inta badan Hitler kula shaqayn jirey qaybta galbeed ee dalka Ukraine.

Hadalsame Media