”Macallimiinta bidaarta lihi waa qallafsan yihiin” – Laacib Erik Ten Hag ku weeraray arrin uu Ronaldo ku sameeyey (Macallin kale oo bidaar leh oo uu u duurxulayo)

0

(Hadalsame) 25 Sebt 2023 – Xiddigga reer Chile ee Arturo Vidal ayaa furka ku xooran macallinka Manchester United ee Erik ten Hag iyo go’aankii uu kaga takhalusay Cristiano Ronaldo wuxuuna ku eedeeyey macallimiinta bidaarta leh inay ‘qallafsan yihiin’.

Ronaldo ayaa ka tegey Old Trafford isagoo ku biiray koox ka dhisan Saudi Arabia bishii Janaayo, kaddib markii uu xiise dhacay tababaraha xilligaa cusbaa ee United Ten Hag, wuxuuna u dhaqaaqay Al-Nassr.

Waa go’aan uu ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Chile ee Vidal aaminsan yahay inuu ahaa mid khalad ah, isagoo weeraray Ten Hag intii lagu guda jirey mid ka mid ah barnaamijyada uu baahiyo, isagoo aan ka gabban inuu adeegsado kelmado adag.

Ciyaaryahanka khadka dhexe, oo haatan kubadda ka ciyaara dalka Brazil gaar ahaan kooxda Athletico Paranaense, ayaa wax laga waydiiyey xaalada Ronaldo, waxaana uu difaacay go’aankii uu United kaga tegey, isagoo sidoo kale weerar wadareed ku ekeeyey macallimiina bidaarta leh – kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo ”qallafsan”.

“Tababarahaasi si xun buu ninkaa u galay.” ayuu yiri Vidal isagoo tixraacaya imaanshaha Ten Hag ee Manchester United.

“Sidee ayaad u tuuri kartaa Cristiano Ronaldo? Waa waxa ay nimankani yihiin. Isagaa ahaa gooldhaliyaha kooxda ayuu dibedda u saaray. Ragga bidaarta lihi aad bay u qallafsan yihiin.” ayuu ku qayliyey.

Eedaynta Vidal ee ku wajahan macallimiinta bidaarta leh ayaa kasoo jeedda waayihiisii uu hoos joogey tababare Jorge Sampaoli, kaasoo ay laacibkan khadka dhexe ku maamulayey kooxda Flamengo xilli ciyaareedkii hore.

Yeelkeede, 36-jirkan ayaa xilli ciyaareedkiisii kooxda kula guulaystey Copa Libertadores iyo Brazilian Cup, laakiin wuxuu ciyaaray kaliya 21 kulan, waxaana inta badan iska indhatirayey tababaraha reer Argentina ee Sampaoli, oo dabcan ah macallin bidaar leh.

Hadalsame Media