”Go’aan ayaan gaarney” – Faransiiska oo lagu khasbay inuu iskaga baxo dal Afrikaan ah oo uu muddo dheer dhiig-miiranayey

0

(Paris) 25 Sebt 2023 – Faransiiska ayaa dalka Niger kala soo bixi doona millateriga iyo diblomaasiyiintiisa kaddib markii ay ku guulaysteen inqilaab ay sameeyeen xoogag kasoo horjeeda Faransiiska, sida uu sheegay Madaxwayne Emmanuel Macron Axaddii shalay.

Tallaabadan ayaa keeni doonta in ku dhowaad 1,500 oo askari oo Faranji ihi ay ka baxaan dalkaasi dhamaadka sanadkan 2023-ka.

“Faransiisku waxa ay go’aansadeen inay halkaa kala baxdo safiirkeeda. Saacadaha soo socda safiirkeenna iyo dhowr diblomaasiyiin kale ayaa ku laaban doona Faransiiska,” ayuu Macron u sheegay telefishinka France 2 Axaddii.

“Waxaannu joojin doonaa iskaashiga millateri ee aan la leenahay maamulka Niger,” ayuu sii raaciyey, isaga oo ku daray in ciidamada Faransiisku ay kusoo laaban doonaan dalkooda “bilaha soo socda.”

Madaxwaynihii Niger ee taageersanaa joogista iyo saamaynta Faransiiska, Mohamed Bazoum, ayaa xilka afgembi millateri oo aan dhiig ku daadan lagaga tuuray bishii Luulyo.

Hadalsame Media