(Washington, DC) 25 Sebt 2023 – Ku biiritaanka Ukraine ee NATO wax faa’iido ah uma yeelanayso Maraykanka waxayna weli culays kale ku noqon doontaa Washington, sida uu qabo barasaabka gobolka Florida iyo murashaxa Madaxwayne ee xisbiga Jamhuuriga, Ron DeSantis.
Qayb ka mid ah barnaamijka Glenn Beck Podcast Sabtigii, ayaa waxaa la waydiiyey bal inuu aaminsan yahay in Ukraine ay bixiso ballanqaad ah inaysan weligeed ku biirin Gaashaanbuurta uu hoggaamiyo Maraykanku si ay nabad u qaataan.
“Uma malaynayo in xubinnimada NATO ay danteennu ku jirto,” ayuu ku jawaabey DeSantis, oo loo tixgeliyo inuu yahay xubinta sare ee musharraxnimada ku garbinaya Madaxwaynihii hore ee Donald Trump dhanka isreebreebka GOP.
“Waxa kaliya ee ay samayn lahayd waxay tahay inay nagu kordhinayso waajibaadyo dheeraad ah, markaa … haddii ay sidaa tahay waa maxay faa’iidooyinka aan heleyno bedel ahaan? Marka ay sidaa tahay, ma aqaano waxa faa’iidooyinku ay noqon doonaan, “ayuu raaciyey.
Ukraine ayaa codsatay inay ku biirto NATO bishii Sebtembar 2022-kii, waloow tiiyoo xubnaha ururku ay ku dhawaaqeen in Kiev ay ugu dambayntii noqon doonto xubin ka tirsan NATO, aysan weli sheegin wax waqti ah.
Hadalsame Media