(Washington, DC) 24 Sebt 2023 – Tucker Carlson oo hore uga shaqayn jirey Telefishanka Fox News ayaa waraysi uu dhawaan bixiyey ku sheegay in dad aan la magacaabin oo ku sugan Washington ay kahor istaageen isku day uu doonayey inuu ku waraysto Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin.
“Waxaan isku dayey inaan waraysto Vladimir Putin, Dowladda Maraykanka ayaana iga joojisey,” ayuu Carlson ku yiri waraysi uu siiyey warqaadka Swiss/ka ah ee Die Weltwoche oo la daabacay Khamiistii.
Waxa kale oo uu sharraxay inuu ka niyadjabay taageero la’aan uu sheegay in uu kala kulmay warbaahinta madaxabannaan ee Maraykanka.
Waxa uu yiri: “Uma malaynayo in uu jiro qof dhahay ‘sug in yar. Waxaa laga yaabaa inaanan jeclayn ninkan laakiin wuxuu xaq u leeyahay inuu waraysto cid kasta oo uu rabo, waxaana xaq u leennahay inaan maqalno waxa uu Putin sheegi lahaa.” 54-jirka ayaa ku daray: “Lama ogola inaad maqasho codka Putin. Qofnase isma waydiin.”
Weriyahan inta badan muran dhaliska ahi ma uusan faah faahin duruufaha uu sheegay inay ku dhacday faragelinta dowladeed oo ku aadan qorshihiisa waraysiga Putin laakiin waxa ay u muuqataa inuu yahay maamulka hadda jira ee Biden midka ka dambeeyay faragelinta.
Carlson sidoo kale ma uusan sheegin goorta la rabey in waraysiga hogaamiyaha Ruushku uu dhaco.
“Waxaan ahay muwaadin Maraykan ah,” Carlson ayaa u sheegay Die Weltwoche. “Anigu waxaan ahay Maraykan aad uga daacadnimo badan, dheh, Joe Biden ama Kamala Harris, oo aan xitaa ku korin dalkan; waxay ku kortay Canada. Oo waxay ii sheegaayan waxa ay tahay in aan noqdo Maraykan daacad ah?” ayuu ku dooday.
Hadalsame Media