”Waa goolkii sanadka” – Taageerayaasha oo ku maadsanaya gool ay iska dhalisay Juventus (Daawo)

0

(Sassuolo) 25 Sebt 2023 – Kooxda Juventus ayaa fiid niyadjab leh kusoo afjartay Sabtigii, markii uu Federico Gatti uu iska dhaliyey gool cajiib ah dhamaadkii ciyaartii ay Sassuolo kaga badisay 4-2.

Guuldarradan ayaa la macno ah in Juventus ay ka bixi doonto kaalinta labaad oo ay degi doonto afraad ee kala sarraynta Serie A, iyada oo Lecce iyo AC Milan labadooduba ay ka kor mari doonaan kooxda Massimiliano Allegri kaddib markii ay labadooduba 1-0 kaga badiyeen Genoa iyo Verona, siday u kala horreeyaan.

Dhibka waxaa bilaabay Szczesny oo gool kalena khalad ku lahaa, oo kubad usoo tuuray Gatti, kaasoo cadaadis kala kulmayey weeraryahannada Sassuolo, isagoo iloobay in goolhayuhu uusan ku jirin shabaqiisa, wuxuuna shabaqa dhex dhigay kubad baas gadaal ah.

Waxa ay ahayd daqiiqaddii ugu yaabka badnayd ciyaarta, iyadoo ciyaartooyda Sassuolo ay la xiiqsanayeen farxad darteed, halka Szczesny uu ku qallalay cirifka xerada ganaaxa isagoo yaab afka lakala haya.

Hadalsame Media