(Moscow) 24 Sebt 2023 – Sawir lasoo dhigay mareegaha ayaa muujinaya in Ruushku uu si sax ah u koobiyeeyey daroonka is miidaaminta ee American Switchblade 300, kaasoo ay asal ahaan soo saartay AeroVironment ah. International Defense Analysis, ayaa akoonkeeda Twitter-ka ku muujisay sawir ay qaybisay RIA Novosti oo Ruush ah.
Nooca Ruushku sameeyey waxaa loo yaqaan BAS-80. Waxayna leedahay midab madow. Sawirku wuxuu kaloo muujinayaa in BAS-80 uu u samaysan yahay qaab laydi ah, iyada oo ugu yaraan sidata laba kaamaro oo ku yaalla qaybteeda hore.
Qaabka baalasha oo laba ah loogu dhejiyey BAS-80 ayaa lagaga sooci karaa nooca asalka ah ee ‘Switchblade 300’, kaas oo labada baal ee gudubka ihi ay ku xiran yihiin qaybta hoose ee daroonkan. BAS-80 waxay kaga yaallaan qaybta dambe.
Mabda’a shaqo ee BAS-80 wuxuu sida kale la mid yahay kan ‘Switchblade 300’. Tusaale, waxaa laga ganayaa tiyuub loogu talagalay, isagoo marka uu dibedda usoo baxo yeelanaya laba baal, si uu ugu duulo.
A Russian technology firm has successfully created an equivalent of AeroVironment’s Switchblade 300 loitering munition. Visuals and videos showcasing the BAS-80 were disseminated through the Russian state news outlet RIA. pic.twitter.com/Sj5nEEdJXr
— International Defence Analysis (@Defence_IDA) September 22, 2023
Hadalsame Media