RASMI: Xaawo Cismaan oo xukun culus lagu ridey

0

(Muqdisho) 24 Sebt 2023 – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Soomaaliya ayaa xukun ku ridday gabadh loo haystay inay ka tirsanayd kooxda Al-Shabaab, taasoo siyaabo kala duwan ula shaqayn jirtay, sida ay qortay BBC.

Xaawo Cismaan Cabdi oo ah gabadh dhalinyaro ah ayaa lagu helay in kooxda ay u hayn jirtay hubka islamarkaana ay macluumaad ka keeni jirtay xubnaha dowladda u shaqeeya.

Xaawo ayaa kooxda ku biirtay kaddib markii ay afkaarta xagjirka ah ka heshay barraha internet-ka ee Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Xaawo lagu helay dhammaan eeddihii loo jeediyay, sidaas daraadeedna lagu xukumay 8 sano oo xabsi ciidan ah.

Hadalsame Media