(Warsaw) 24 Sebt 2023 – Ra’iisul Wasaaraha Poland ee Mateusz Morawiecki ayaa uga digey Madaxwaynaha Ukraine ee Vladimir Zelensky inuusan Poland ku war xamanaynin masraxa adduunka, xilli ay Kiev iyo Warsaw ay weli ku muransan yihiin dhoofinta badarka.
“Waxaan rabaa inaan u sheego Madaxwayne Zelensky inuusan mar dambe aflagaadayn Poland, sidii uu sameeyey dhowaan mar uu khudbad ka jeedinayey Qaramada Midoobey,” ayuu Morawiecki u sheegay dad isugu soo baxay magaalada Swidnik.
“Dadka Poland waligood ma ogolaan doonaan inay tani dhacdo, difaacida magaca wanaagsan ee Poland ma aha oo kaliya waajibaadkayga iyo sharaftayda, laakiin sidoo kale waa shaqada ugu muhiimsan ee Dowladda Poland,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.
Waxa uu carrabka ku adkeeyey in Warsaw ay u istaagi doonto danaheeda “marka la eego xaaladda juqraafi-siyaasadeed ee hadda jirta.”
Isagoo ka hadlayey Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ee New York horraantii isbuucan, Zelensky wuxuu yiri “qaar ka mid ah saaxiibadeenna Yurub waxay hiillada ku muujiyaan uun masraxa siyaasadeed, iyagoo u rogaya arrinta badar sidii filim thriller ah.” Warsaw waxay kaga fal-celisey hadalkan iyadoo u yeertay Safiirka Ukraine.
The row unfolded after Warsaw refused to lift its ban on Ukrainian grain, citing the need to protect its farmers from the influx of cheap produce from abroad. Kiev, meanwhile, launched a complaint to the World Trade Organization, insisting that the restrictions imposed by Poland were illegal.
Murankan ayaa yimid kaddib markii Warsaw ay diidey in ay qaado xayiraadii ay saartay badarka Ukraine, iyadoo sabab uga dhigtay in beeralaydeeda laga ilaaliyo qulqulka dalagyada rakhiiska ah ee uga imaanaysa dibedda.
Kiev, ayaa dhanka kale dacwad u gudbisey Ururka Ganacsiga Adduunka ee WTO, iyadoo ku adkaysatay in xannibaadaha ay soo rogtay Poland ay yihiin kuwo sharci darro ah.
Arrintu waxay si gaar ah xasaasi ugu tahay maadaama Poland ay tahay xudunta saadka muhimka ah sida gaarsiinta hubka ee Ukraine, iyo inay martigeliso tababarka askarta Ukraine.
Madaxweynaha Poland Andrzej Duda ayaa horay Kiev ugu tilmaamay “Nin hafanaya” balse biyaha hoostiisa ku jiidaya dadka isku dayaya inay badbaadiyaan.
Hadalsame Media