(Lusaka) 24 Sebt 2023 – Dowladda Zambia ayaa la sheegay inay dalkeeda ka tarxiishay muwaadin Soomaaliyeed oo halkaasi ku ganacsanayey.
Cabdullaahi Axmed Yare oo ku magac dheer Guutaale oo la hadlay BBC-da isagoo kasii ambabaxaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegay inuusan gareynenin sababta looga tarxiilay waddanka Zambia.
“Shalay anigoo jooga goobteyda shaqada ayaa waxaa ii yimid ciidanka socdaalka ee dalka Zambia, si deg deg ah oo aan xushmad laheyn ayay ii qabteen. Wax dhibaato ah iima geysan laakiin way i qabteen ilaa iyo xalay oo dhanna way iska key daba wareejinayeen, gurigeygii way baarteen. Hadal badan kaddib waxaan hadda ka sii ambabaxayaa garoonka Addis Ababa.” ayuu yiri Guutaale.
Wuxuu sheegay in hadda uu san meel ku ogeyn xoolahiisa, dadkii soo tarxiilayna ay madaarka uga laabteen.
Waxaa uu sidoo kale carrabka ku dhuftay in wax sharci ah ama dokumenti ah oo laga qoray ama loo dhiibay aan la arag.

XIGASHADA SAWIRKA,.
“Wax sharci ah oo ay igu soo tarxiileen, waxa dokumenti ah oo ay iga qoreen ama ii dhiibeenna aan la arag. Jeegaday isoo qabteen, hantideyda iyo wixii aan haystayn aan kafara maranahay iyo dhar iyo deegaan waxa aan lahaa,” ayuu mar kale yiri.
Gutaale oo hadda ku sugan garoonka caalamiga ah ee Addis Ababa ayaa noo sheegay in hadda uu kusii jeedo dalka Soomaaliya, markaa kadibna uu ka fakari doono qorshihiisa mustaqbalka.
Cabdullaahi waxa uu Zambia ku noolaa ku dhawad 25 sano, isagoo ganacsi ku haystay dalkaas.
Mar aan wax ka weydiinay inay jiraan in waxa ku dhacay ay jirto cid uu ku tuhmayo ayuu ka gaabsaday inuu tafaasiil naga siiyo sidoo kalena uu sheegay in aysanna jirin cid uu dambi saarayo.
“Waa su’aalay walaal [Booliska] maxaa dambi ah oo aan galay ayaan iri, haba yaraatee maadan gelin ayay igu dhaheen, laakiin dalkeenna [Zambia] ayaan kaa saaraynaa”.

XIGASHADA SAWIRKA,.
Gutaale oo ah muwaadin Soomaaliyeed ah oo sanado badan ka ganacsanayay dalkaas ayaa BBC u sheegay in uusan ogeyn sababta ka dambeyso tarxiilkisa, faafaahin bandanna usan bixin karin maadama uu aad u daalanyahay, garoonna uu dhex taagan yahay, sida uu sheegay.
“Safaaradda isma aanan arag, oo waqti aan cidna ku arko maanan helin oo wakhtiga wax iska kooban ayuu ahaa. Ragga hadda meel sharci iyo kula aadayo maysan aheyn, laakin saafardda si guudba baasaboorrada waa ka qaadanaa, laakiin wax kaloo ay safaaraddu na tartay weli maynan arag.” Ayuu mar kale yiri Cabdullaahi.
Safiirka Soomaaliya u fadhisa Zambia oo an iskudaynay in aan arrintan wax ka weydiinno ayaysan noo suuro galin.
Mar aan Guutaale weydiinnay in uu doonayo in uu dalka Zambia dib ugu laabto iyo in kale ayuu BBC u sheegay in uu haatan ka jawaabi karin su’aashaas.
Ganacsade Guutaale ayaa heystey dhalashada dalka Zambia. Waxaa marar badan laga tarxiilay dalkaas Zambia iyadoo aan laga ogeyn sababta.
BBC
Hadalsame Media