(Hadalsame) 23 Sebt 2023 – Waxaa beri dhowayd la bilaabay kaar aqoonsi oo cusub oo la sheegay in loogu tala galay muwaadiniinta Somalia.
Yeelkeede, tiiyoo ay awal doodi ka joogtey cidda xaq u yeelan karta wuxuu haatan sii galay meermeerto kale, kaddib markii magaalooyinka qaar lasoo bandhigay iyagoo bilaa dal ah, sida Ceerigaabo. Waxaa la is waydiinayaa sida loogu bareeray khalad intaa la’eg.
Sabriye Muuse oo ah nin wax qora ayaa qaybtan yar ku dhaliilay arrinkaas isagoo ku bilaabay:
Anigu waxa aan codkayga ku biirinayaa Soomaalida baraha bulshada ku dhaliilay in Ra’iisul Wasaare-xigeenka JFS Kaarkiisa aqoonsiga lagu qoro oo qur ah “Erigabo” iyadoo laga gabbanayo dalka ay ka tirsan tahay oo in “Somalia” la yiraahdo laga meermeerayo.
Haddii sida aannu aragnay Madaxweynihii, Ra’iisul Wasaarihii iyo Guddoomiyihii Aqalka Sare dalkii iyo magaaladii ay ku dhasheen Kaarka Aqoonsiga loogu qoray, maxaa ka duway kan Ra’iisul Wasaare-xigeenka?
Ma isagaa sidaas codsaday?
Waxan cod dheer ku dalbanayaa in khaladaadka cankaas ah aan shacabka la hor keenin oo golayaasha dowladda aanay soo dhaafin, ee durba la tifaftiro oo la saxo.
W; Q: Sabriye Muuse
Hadalsame Media