(New York) 23 Sebt 2023 – Nidaamka jira ee sharciga caalamiga ah waa mid liita, halka dunida casriga ah ay aafeeyeen isku dhacyo kala duwan, sida uu sheegay afhayeenka Kremlin-ka ee Dmitry Peskov.
Wuxuu hadalkan ku sheegay waraysi uu siiyey idaacadda RT qaybta Carabiga, isagoo ugu baaqay QM inay la qabsato isbeddelka adduunka ee cusub, sida uu yiri.
“Waxaa cad in dunida ay hadda ka socdaan isbeddello culus. Isbeddellada ayaa socda, tanina waxay u baahan tahay la qabsi gaar ah oo dhinaca QM ka yimaada; ugu horreeyn, hay’addeeda ugu wayn – Golaha Ammaank.” ayuu yiri Peskov.
Golaha Ammaanka ayaa hadda ka kooban 15 xubnood, toban ka mid ah waxa ay xilka hayaan laba sano, mana diidi karaan qaraarrada Golaha waayo ma laha Diidmada Qayxan. Kaliya shan xubnood oo joogto ah ayaa maqaamkaa leh – US, UK, China, France, iyo Russia – oo haya awooddaas. 60% dalalkaasi waa reer Galbeed.
Ruushku waxa uu u ololaynayey in Golaha Ammaanka laga dhigo mid loo dhan yahay muddo sanado ah, isaga oo ku doodaya in lagu samayn karo isbedeel dimoqraadi ah kaliya iyada oo la kordhinayo matalaado cusub oo ay ku yeeshaan dowladaha Afrika, Aasiya iyo Koonfurta Ameerika.
Hadalsame Media