Khalad kale oo aan ahayn midka la hadal hayo oo ku qoran sawirka khariidadda Puntland ee dooddu ka dhalatay

0

(Hadalsame) 23 Sebt 2023 – Wasaaradda waxbarashada ee Puntland ayaa shaqada ka joojisay agaasime-waaxeedka tayo dhowrka iyo manaahijta, Cabdulqaadir Yuusuf Nuux, sababo la xiriira buug iskuullada laga dhigo oo la mamnuucay. Warqadda shaqo ka joojinta waxaa ku saxiixnaa Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax oo ah wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland.

Saacado ka hor go’aankaas ayaa Golaha wasiirrada maamul goboleedka Puntland wuxuu joojiyey in iskuullada loo isticmaalo buugga taariikhda ee dugsiyada sare kaasoo ay ku dhaliileen in “khaladaad dastuuri ah” ay ku jiraan.

Golaha Wasiirrada Maamulka oo go’aankan soo saaray ayaa ka caroodey in qayb ka mid ah buuggu muujinayo sawirka khariidadda maamul goboleedyada, iyadoo qaybo ay Puntland tirsato ay hadda u muuqdaan in sawirku kala raaciyey maamullada Galmudug iyo  Somaliland oo iyadu sheegata inay ka go’day Somalia.

Yeelkeede, waxaa sidoo kale buugga ku qoran khalad kale oo maamullada federaalka Somalia ku tilmaamay kelmad loo fasiran karo inay yihiin dalal madaxbannaan oo kale.

Waa sifaha Ingiriiska ah ee ”autonomes” oo ay caadiyan dalalku isku sifeeyaan, xitaa haddii gobol dal kale ka tirsan loo adeegsadana waxay noqonaysaa in gobolkaasi yeesho awoodo aad u fara badan, gaar ahaan dalalka ku socda nidaamka Konfederaalka.

Inta la hubo ilaa haatan, Somalia kuma jirto dalalka nidaamkaa ku socda, sidoo kale ma jiro mar iyo meel gobol ama gobollo Somalia ka tirsan lagu siiyey awood dheeraad ah oo keeni karta inay adeegsadaan kelmadda autonomous ama xitaa semi autonomous, tiiyoo ay federaal yihiin oo ay ilaa xad arrimohooda hoose maamulan karaan.

Hadalsame Media