(Kampala) 23 Sebt 2023 – Madaxwayne Yoweri K. Museveni ayaa soo bandhigay yabooh ku saabsan inuu dhexdhexaadin ka galo dadaallada dheer ee lagu doonayo in lagu mideeyo Soomaaliya iyo Somaliland.
Sida lagu sheegay bayaan dadwaynaha loo soo bandhigay Sebtembar 23, 2023, oo ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada, tadawurkan ayaa tilmaamaya rajada dalkan, oo sannado badan ay ragaadiyeen xasillooni darro iyo kala qaybsanaan, sida ku qoran.
Dhawaaqa Madaxwayne Museveni ayaa waxa uu daba socdey kulan uu Jimcihii shalay Aqalka Madaxtooyada ee Entebbe kula yeeshay Ergayga gaarka ah ee Somaliland Dr. Jaamac Muuse Jaamac.
Wada-hadalladan ayaa waxaa lagu go’aamiyey in la sahmiyo dariiqyada dib-u-heshiisiinta iyo iskaashiga labada dhinac, sida ku qoran qoraalka.
Somaliland waxay weli tahay nidaam aan la aqoonsanayn oo ka tirsan Geeska Afrika, inkasta oo uu ka jiro maamul madaxbannaan. Beesha caalamka ayaa guud ahaan u aragta inay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya,
Madaxweyne Muveni, ayaa intii uu kulankoodu socdey waxa uu sheegay in aanay doonayn in Somaliland ay ka go’do Soomaaliya, isaga oo carabka ku dhuftay in arrintaasi ay tahay mid aan caqli-gal ahayn istaraatiji ahaan.
“Ma taageerayno gooni-u-goosad sababtoo ah, xeelad ahaan, waa khalad.” ayuu ku nuux-nuuxsaday isagoo Somalia u jeediyey inay midowdo kaddibna kusoo biirto suuqa furan ee Bariga Afrika.
Madaxweynaha Uganda ayaa u soo jeediyey Soomaaliya iyo Somaliland inay ka fogaadaan siyaasadda ku dhisan hayb-raaca, taa beddelkeedana ay diiradda saaraan siyaasad kor u qaadaysa danaha muwaadiniintooda.
Hadalsame Media
.