”Taasi kaama dhalan karto Onana” – Laacib ka tirsanaa Man Utd oo qaadan waayey goolkii xalay (Daawo)

0

(Hadalsame) 22 Sebt 2023 – Laacibka Owen Hargreaves ayaa laga yaabsaday kaddib markii uu uu qabtaha Man United  ee Andre Onana uu haddiyad siiyey Bayern Munich dhanka goolkii furitaanka ee heerka guruubyada Champions League.

Goolhayaha Man United ayaa u saamaxay Leroy Sane in shuudkiisii daciifka ahaa uu gacantiisa ka sibxado qaybtii hore ee ciyaartii ay ku wada ciyaareen Allianz Arena taasoo lagu diley kooxdiisa.

Khaladka Onana waxaa usii dheeraa Man United oo mar kale laga dhaliyey kahor qaybta nasashada. United ayaa ugu danbayn 4-3 looga guulaystey kaddib markii ay laba jeer dib uga dagaallameen natiijada dhamaadkii kulan xiisa badan oo xalay dhacay.

Yeelkeede, laacibkii hore ee u wada saftay Man United iyo Bayern Munich Hargreaves oo la hadlayey TNT Sports ayaa aad uga naxay goolhaye Onana oo uu khaladkiisa ku dhashay goolkii furitaanku.

“Kaliya waa inaad kubbaddaas oo kale badbaadisaa. Ma garanayo haddii aanu cagihiisa dhulka dhigi karin, laakiin kubbadaasi ma geli karto. Judhiiba taas wuu og yahay Onana,’ ayuu yiri Hargreaves.

Andre Onana's howler stuns Owen Hargreaves as the Man United goalkeeper gifts Bayern Munich the lead in the Champions League | Daily Mail Online

Social media users were quick to comment on Onana's early struggles at Man United

Hadalsame Media