Faransiiska oo ciidamo gaar ah oo diyaarado wata dhoobay xadka uu Talyaaniga la wadaago (Maxaa khaldan?)

0

(Paris) 22 Sebt 2023 – Faransiiska ayaa lagu soo warramayaa in uu ciidamo ku gurayo xuduudka uu la wadaago dalka Talyaaniga si uu uga jawaabo muhaajiriinta soo galaya dalkaasi ay dariska yihiin, sida ay sheegtay Idaacada Europe 1.

Diyaarad nooca qumaatiga u kacda ah oo laga leeyahay dalka Faransiiska ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay gaaf wareegayso xuduudda, iyadoo ciidamada booliiska gaarka ah ee qaabilsan la dagaallanka argagixisada lagu arkay goobtaasi, sida ay sheegtay warbaahinta Talyaanigu.

Warbixin ay sheegtay Europe 1 ayaa waxay ku tibaaxday in ciidamo ka tirsan guutada Alpine Hunters ee caanka ah la gaynayo si ay u ilaaliyaan buuraha Dooxada Roya.

Intaa waxaa dheer, 60 booliis ah oo kayd ah ayaa loo yeeray si ay u xoojiyaan ciidamada ammaanka ee horey ugu sugnaa aaggaasi, sida ay warbaahintu sheegtay iyadoo aan la shaacin ilaha laga helayo.

Idaacadda ayaa sidoo kale sheegtay in waaxda Alpes-Maritimes ay soo bandhigtay codsi ah in la sameeyo xarun lagu hayo oo qaadi karta ilaa 100 muhaajiriin ah oo si ku meel gaar ah.

Hadalsame Media