(Hadalsame) 22 Sebt 2023 – Koox ka tirsan wax ay Moscow u taqaan ”ciidamada nabad ilaalinta ee Ruushka” ayaa lagu diley gobolka Nagorno-Karabakh, kaddib markii gaari ay wateen lagu furay rasaas fudud, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushku.
Ciidankan ayaa tacshiiradda la kulmay mar ay kasoo laabteen goob indha-indhayn ah waxaana gaarigii ay wateen weeraray kooxo aan la garanayn. Ciidamada ayaa sheegay in isla goobta lagu laayey dhamaan ciidamadii gaariga ku jirey, iyadoo aan la shaacin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.
Baarayaasha Ruushka iyo Asarbayjaan ayaa baaraya goobta uu shilku ka dhacay, sida ay ciidamada Ruushku sheegeen.
Xiisadda cusub ee Nagorno-Karabakh ayaa waxay bilaabatay Talaadadii markii Baku bilowday wax ay ku sheegtay “tallaabooyin kahortag argagixiso ah oo dabeecad maxalli ah leh,” iyagoo tixraacaya warar sheegaya in millateriga Armenia lasoo dhoobay gobolkan oo sharciyan ka tirsan Asarbayjaan.
Armenia ayaa beenisey inay ciidan cusub soo duntay, waxayna ku eedaysay Baku inuu bilowday “gardarro kale oo ballaaran oo ka dhan ah dadka Nagorno-Karabakh”, sida ay sheegtay.
Milateriga Asarbayjaan ayaa markii dambe u dhaqaaqay jihooyin badan, iyagoo jiiray fariisimaha ciidamo halkaa ku sugnaa. Arbacadii, maamulka Nagorno-Karabakh ee Armenia ayaa ku dhawaaqay xabbad joojin ay la galeen Baku, kaddib talo ka timid ”ciidamada nabad ilaalinta Ruushka.”
Madaxwaynaha Asarbayjaan Ilham Aliyev ayaa isna howlgalka ku tilmaamay guul wayn, isagoo sheegay in dib loo soo celiyey madaxbannaanida gobolka. Nagorno-Karabakh ayaa markii hore ku dhawaaqday inay ka go’day Azerbaijan sagaashamaadkii, wax yar kaddib burburkii Midowga Soofiyeeti, iyagoo ka gows haystey Ruushka iyo xitaa reer Galbeedka oo haatan Asarbayjaan ku boorrinaya inay dagaalka joojiso.
Hadalsame Media