(Hadalsame) 22 Sebt 2023 – Mid ka mid ah buugaagta waxbarashada asaasiga ah ee Maamul-goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu arkay sawir shaki iyo dood keenay.
Qaanso-roobaadka caadiyan la iskama sharaysan karo maadaama ay sidoo kale tahay ifafaale dabiici ah oo ka dhasha marka ay is cawaraan biyaha iyo iftiinku.
Yeelkeede, sawirrada qaanso-roobaadka ayaa meelaha qaar lagu daray, tiiyoo aysan jirin sabab halkaa loogu sawiro, sida mar lagu hoos masawiray Calanka dalkeenna Somalia.
Mar kale ayaa waxaa laga arkayaa isaga oo dul suran arday qaadaysa hees, balse markan waxaa loogu qiil sameeyey in midabbo ahaan loosoo qaatay.
Dad badan ayaa arrintan ku hadal haya baraha bulshada, waxaana inta badan la isku raacay in 2 sababood ay keenayaan khaladaadkan;
1 – Dalka Somalia oo aysan nidaamyadu ku dadaalin inay isku tashadaan oo lacagaha ay ummadda ka qaadaan adeegyo ku bixiyaan.
Sidaa darteed, waxaa meel walba maalgeliya hay’ado iyo NGO-yo qalaad oo ajendeyaal fog u qarreemaya.
2 – Dadka xilalka loo dhiibayo oo aan kartidii, aqoontii iyo qiyamkii loo baahnaa aan xambaarsanayn, sidaa darteed, waxaa maqan qayb muhim u ah xirfadlaha oo ah dib u eegista wixii la qabtay.
Hadalsame Media