Safaaradda Maraykanka ee Bayruud oo la xabadeeyey & Sanad-guuro dhiigleey ah oo lagu beegay (Maxaa dhacay?)

0

(Hadalsame) 21 Sebt 2023 – Rasaas ayaa fiidnimadii Arbacadii xalay lagu ridey Safaaradda Maraykanka ee Lubnaan, sida uu afhayeen u hadlay Jake Nelson u sheegay Reuters. Wuxuu intaas ku daray in aysan jirin wax dhaawac ah oo soo gaarey.

“10:37 pm waqtiga maxalliga ah, rasaas ka dhacday hubka fudud ayaa laga soo sheegay agagaarka albaabka Safaarada Maraykanka,” ayuu yiri Nelson.

“Ma jiraan wax dhaawac ah, xarunteennuna waa ammaan. Waxaan xiriir dhow la leenahay mas’uuliyiinta oogista sharciga ee dalka martida loo yahay.” ayuu raaciyey.

Dhacdadan ayaa ku beegantay sanadguuradii 1984-kii gaar ahaan weerarkii ismiidaaminta ahaa ee loo adeegsadey gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyey oo lala beegsaday mid ka mid ahaa dhismayaashii Safaaradda Maraykanka ee Beirut 1984-kii. Weerarkaa waxaa ku dhintay 23 qof oo ay 2 Maraykan ahaayeen.

Safaaradda ayaa xilligaa kahor laga soo raray bartamaha Beyruut, waxaana loo raray halka ay hadda ku taallo oo ah xaafadda ay Masiixiyiintu u badan yihiin ee Awkar kaddib weerar kale oo ka horreeyey oo dhacay bishii Abriil 1983-kii, kaasoo lagu diley 63 qof. Xarun diblamaasiyadeed oo cusub ayaa laga dhisayaa dhul dhan 43 acre.

United States Embassy in Beirut, Lebanon by Morphosis - Architectural ReviewA massive new US embassy complex in a tiny Middle East nation is raising eyebrows | CNN

Hadalsame Media