(Hadalsame) 21 Sebt 2023 – Madaxa fulinta ee Midowga Yurub ayaa Talaadadii sheegay in si ku meel gaar ah loo hakiyey bixinta gargaarka bini’aadminnimo ee Soomaaliya kaddib markii baaritaan Qaramada Midoobey lagu ogaadey xatooyo baahsan iyo ku takrifalka taageerada la doonayo in lagu baajiyo macluul soo fool leh.
Wakaaladda Wararka ee Reuters oo soo xiganeysa saraakiil sare oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa si gaar ah u sheegtay in Guddiga Yurub uu si ku meel gaar ah u hakiyey dhaqaalihii uu siin jirey Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ee Soomaaliya, sababo la xiriira natiijada kasoo baxday baarista Qaramada Midoobey.
DF Somalia oo arrintaa ka duulaysa ayaa iyada oo ay maamulladu wehliyaan soo saartay bayaan ay ku sheegayso in la mamnuucay in laga ganacsado deeqaha ay dunidu siinayso dadka tabaalaysan ee ay gabeen nidaamyada ka jira Somalia.
Hay’adda Maaraynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA,Wasaaradaha Gargaarka Dowladd Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir ayaa ku wada saxiixnaa go’aankan mamnuucaya in laga ganacsado gargaarka bini-aadannimo ee dalka la keeno, si looga hortago in la masuqmaasuqa, sida lagu faafiye warbaahinta DF.
Yeelkeede, dadwaynaha oo arrintan la anfariirsan ayaa markiiba lasoo boodey dood ku aaddan in awal la ogolaa in laga ganacsado deeqaha dalka la siiyo ee aanay inta badan dhicin inay gaaraan dadkii loogu talagalay.
”Markii hore mamnuuc ma ahayn miyaa oo waa laga ganacsan karay?” Ayuu markiiba lasoo boodey Ibraahim Xasan oo warkan ka fal-celinayey.
”Waa cadayn ah inay ka ganacsan jireen” ayuu soo qoray Xaamid Shirwac.
Hoos ka eeg fal-celinta dadwaynaha oo ay sidoo kale ku jirto in tillaabadani kaliya timid markii ay EU-du hakiyeen kaalmada ee aanay ahayn tillaabo horseed ah oo wax lagaga qabanayo musuqan baahsan.
Hadalsame Media