Hindiya oo uu ka dillaacay cudur qofka maskaxda ka warreemaya oo laayaan ah (Heerka geeridiisa oo aad u sarreeysa)

0

(Kerala) 20 Sebt 2023 – Hindiya ayaa wajahaysa sare u kac cusub oo ah fayruska dilaaga ah ee Nipah kaddib markii 6 qof uu ku dhacay cudurka maskaxda waxyeellaynaya ee ka dillaacay koonfurta gobolka Kerala, kuwaas oo laba ka mid ahi ay dhinteen.

Iskuullada, kulliyadaha iyo xarumaha waxbarashada ayaa la xirey illaa bishan Sebtember 24-keeda si taxaddar loo sameeyo, halka gobollada deriska la ah ee Tamil Nadu iyo Karnataka ay sare u qaadeen amniga degmooyinka xuduudaha si looga hortago faafitaanka fayruska.

Wasiirka caafimaadka Maamul-goboleedka Kerala, Veena George, ayaa sheegtay in 1,080 qof la aqoonsaday kuwaas oo xiriir la sameeyey shakhsiyaad cudurka qaba dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay.

327 ka mid ah dadkaasi waa shaqaale caafimaad. Qaaxda caafimaadka ee Dowladda-gobolkan ayaa shakhsiyaadkan si dhow ula socota si looga eegp calaamadaha caabuqa.

Kerala ayaa waxaa afar jeer ka dillaacay cudurka Nipah tan iyo 2018-kii, kii ugu dambeeyeyna wuxuu dhacay 2021-kii. 2018, fayrusku wuxuu diley 21 ka mid ah 23 qof oo uu ku dhacay, taasoo ah lambar dhimasho oo aad u sarreeya oo ah 91.3%.

Sannadkii xigey, hal kiis ayaa la diiwaangeliyey, laakiin tallaabada deg degga ah ee dowladda iyo raadraaca ballaaran ee dadkii uu cudurku ku dhacay ayay u badan tahay inay ka hor istaagtey inuu cudurku sii faafo. 2021-kii, wiil 12 jir ah ayaa dhintay kaddib markii uu ku dhacay fayruskani.

Hadalsame Media