(Paris) 19 Sebt 2023 – Xiriirka u dhexeeya Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe (CAR) iyo Ruushku ma aha mid khuseeya Faransiiska ayuu Madaxwayne Faustin Archange Touadera u sheegay Madaxwayne Emmanuel Macron, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay IDAACADDA Faransiiska ee RFI dabayaaqadii toddobaadkan.
Touadera ayaa la sheegay inuu hadalkan ka sheegay mar uu Macron kula kulmay Paris Arbacadii, isaga oo kusii jeeda Cuba oo uu kaga qaybgelayo shirka G77. Halkan ka eeg liiska dalalkan oo ay Somalia xitaa ku jirto.
Hoggaamiyahan, sida uu sheegay afhayeenkiisa, Albert Yaloke Mokpeme, ayaa u sheegay Macron in CAR ay kala shaqaynayso “mas’uuliyiinta Ruushka qaab dhismeed ku saabsan heshiis difaac iyo mid tababar oo u dhexeeya dowladahan,” isagoo ku nuuxnuuxsaday in dhinacyada kale ee xiriirka “aysan ahayn wax khuseeya [Paris]”
Toddobaadkii hore, Madaxwaynaha Faransiiska ee Macron ayaa wuxuu la kulmay Touadera si uu u soo nooleeyo xiriirkii laba geesoodka ahaa oo xumaa muddo sanado ah, taasoo ay sabab u tahay iskaashiga CAR iyo Moscow iyo joogitaanka shirkadda gaarka ah ee millateriga Ruushka ee Wagner Group.
Hadalsame Media