(Hadalsame) 19 Sebt 2023 – Wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa ugu dambayntii Ukraine ku khasbi doona wadahadal nabadeed oo ay la galaan Ruushka sabab la xirirta dhaqaale xumo gudohooda ah, sida uu qabo Ra’iisul Wasaaraha Hungary ee Viktor Orban oo la hadlay Kossuth Radio.
“Xaaladda dhaqaale ee sii xumaanaysa ee reer Galbeedka ayaa waxay ku khasbi doontaa waddammadan inay u istaagaan nabadda,” ayuu ku dooday RW Orban.
Iskahorimaadka socday in ka badan hal sano iyo bar ayaa saamaynaya dhaqaalaha Yurub, taasoo “aan noqon doonin sida aan rabno inay noqoto” ilaa iyo inta ay socdaan, Orban ayaa u sheegay kanaalka ‘Subax Wanaagsan, Hungary!’. Hase yeeshee, “taageerayaasha dagaalka Ukraine waa aqlabiyadda ugu badan” ee dowladaha EU-da, ayuu tilmaamay.
”Haddii ay jiraan wax ku khasbi kara caasimadaha Yurub inay dib u eegaan mowqifkooda ku aaddan khilaafka, waa xaaladda dhaqaale ee qaaradda ee sii xumaanaya,” ayuu aaminsan yahay Ra’iisul Wasaaruhu.
”Inta badan dadka ku nool Yurub waxay hoaeyba ula wadaagaan mowqifka Hungary ee arrinta, kaasoo ah dal dagaalka ka dhan ah,” ayuu ku andacoodey. ”Dib u dhaca dhaqaale ayaase ku khasbi kara dadwaynaha EU inay “cadaadis saaraan” dowladahooda.” ayuu raaciyey.
Hadalsame Media