(Hadalsame) 18 Sebt 2023 – Xubin sare oo ka tirsan Baarlamaanka Hungry ayaa su’aal geliyey in dalkiisu uu u ansixinayo xubinnimada NATO ee Sweden, kaddib markii Stockholm ay ku eedaysay waddankan bariga Yurub in uu caburinayo dimuqraadiyadda.
Waraysi uu siiyey idaacada HiR TV, afhayeenka baarlamaanka Hungary, Laszlo Kover, ayaa wuxuu Stockholm ku canaantay filim ay sii daysay shirkadda warbaahinta waxbarashada ee Sweden (UR) sanadka 2019-kii, kaasoo dhaleeceeywy wax ay ku tilmaantay xaalad liidata ee dimeoqraadiyadda Hungary.
“Lama hubo in aan u codayn karno [ansixinta xubinimada Iswiidhan]. Waxaan u malaynayaa in aanan u baahnayn olog aan fikrad wadaagno sida filimkan yari uu ka tarjumayo, “ayuu yiri Kover.
Filimka oo toban daqiiqo ah ayaa sidoo kale dhaliyey jawaab celin ka timid Wasiirka Arrimaha Dibedda Hungary, Peter Szijjarto. Diblomaasiga ayaa todobaadkii hore warqad u qoray dhiggiisa Sweden, Tobias Billström, isagoo muujiyey sida uu uga xun yahay waxa uu ugu yeeray “eedeymo halis ah” iyo macluumaad khaldan oo lagu dhex faafiyay ardayda Swedishka ah.
“Waxaad ku boorrinaysaa xildhibaanadeena inay ansixiyaan ku biiristaadaada NATO, adigoo sii wada inaad nagu eedayso sidii inaan burburinayno dimoqraadiyadda Hungary,” ayuu ku dooday Szijjarto.
Wuxuu ku andacoodey in dadaalladani ay iska soo horjeedaan oo “dhab ahaantii [aanay] waxba ka tarayn” si loogu gogol xaaro ku biirista Iswiidhan ee Gaashaanbuurta uu Maraykanku hoggaamiyo ee NATO.
Hadalsame Media