(Tehraan) 18 Sebt 2023 – Laacibka Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo dhoweeyay muuqaallo aan caadi ahayn markii uu gaarey dalka Iran iyadoo boqollaal taageereyaal ahi ay eryanayeen baska kooxda Al-Nassr kadibna ay xoog ku galeen hoteelka kooxda si ay u arkaan CR7.
Kooxda Saudi Arabia ayaa lagu wadaa inay habeenka Talaadada ah la ciyaaraan kooxda fadhigeedu yahay Tehran ee Persepolis kulankooda furitaanka heerka group-yada AFC Champions League waxana ay heleen soo dhowayn aad u heer sarreeysa.
Fiidiyow laga sii daayey bogga Al-Nassr ee X ayaa muujinaya taageereyaasha oo jidka dhex yaacaya iyagoo baacsanaya baska kooxda ee jaallaha ah taasoo laga garan karo xiisaha kulankan.
Taageerayaal yar iyo wayn leh ayaa la arkayey iyagoo kor u taagaya boorarka Ronaldo oo xiran funaanadaha Ronaldo xilli xiddigga reer Portugal uu isku diyaarinayo inuu ka ciyaaro caasimadda Iran.
Muuqaallo kale oo baraha bulshada la dhigay, ayaa waxaa lagu arkayey boqollaal taageereyaal maxalli ah oo ku yaacaya gudaha hoolka hoteelka ay kooxda Al-Nassr deggan yihiin iyagoo ku dhawaaqaya ‘Ronaldo, Ronaldo’.
هي أشيـاء لا تُشتـرى 💛
كُن أقرب وشاهد كواليس وصول #العالمي 🤩
إلى العاصمة الإيرانية طهـران
عبـر حساب #النصر الرسمي في سناب شات 🤳https://t.co/Hrdf7HugGG pic.twitter.com/lsgfBiP2Uv— نادي النصر السعودي (@AlNassrFC) September 18, 2023
استقبال الدون والفريق داخل الفندق شي مهول pic.twitter.com/4cXxptV2nf
— Ali (@11l_p) September 18, 2023
يخرب بيت الحماس والقشعريرة نطالب الاتحاد الاسيوي يشيل العقوبة دخلوا الفندق 🤯🤯💛 pic.twitter.com/fyvJ3UCkM4
— Ali (@11l_p) September 18, 2023
Hadalsame Media