Maraykanka oo raadinaya diyaarad F-35 ah kaddib markii uu duuliyihii ka boodey balse ay kaligeed iska sii socotay (Maxaa dhacay?)

0

(North Charleston) 18 Sebt 2023 – Duuliye ka tirsan ciidamada Marines-ka Maraykanka ee Marine Corps oo duulinayey mid ka mid ah diyaaradaha ugu qaalisan dalkaasi meel u dhow Saldhigga Wadajirka ah ee Base Charleston, North Carolina galabnimadii Axaddii ayuu duuliyihii baarashuudka ka goostay diyaaradda oo uu cillad ku arkay, sida uu yiri.

Yeelkeede, tan ugu darani waxay tahay diyaaraddan jiilka 5-aad markiiba ma dhicine waa sii socotay iyadoo ku socotay waxa loo yaqaan nidaamka duuliyaha otomaatigga ah ee Auto Pilot.

“Waxaan xaqiijin karnaa khalkhal ku lug leh diyaarad ah F-35B Lightning II oo ka tirsan qaybta tababarka ee Marine Fighter Attack Training Squadron (VMFAT) 501,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Marine Corps oo la hadlay Insider. “Duuliyuhu nabad ayuu diyaaradda uga goostay, hadda waxaan wadnaa ururinta xog dheeri ah iyo qiimaynta xaaladda.” ayuu raaciyey.

Barnaamijka F-35 Lightning II Joint Strike Fighter waa barnaamijka nidaamka hub ee ugu qaalisan ee Wasaaradda Difaaca, sida uu qabo Xafiiska Xisaabtanka ee Dowladda Maraykanka.

Sida laga soo xigtey GAO, saraakiishu waxay ku qiyaaseen inay ugu kacayso canshuur bixiyayaasha Maraykanka $ 1.7 tarilyan oo Doollar si ay “iibsadaan, uga shaqeeyaan, una dayactiraan diyaaradahan halkii diyaarad oo noocan ah min marka la sameeyo ilaa inta ay shaqaynayaan.”

Sidoo kale, halkii duuliye oo wada F-35B ayaa waxaa ku baxaysa $135.8 milyan oo Doollar, sida lagu sheegay warbixin 2020 kasoo baxday Mashruuca Kormeerka Dowladda ee Project On Government Oversight.

Duuliyaha, ayaa kaddib markii uu baarashuudka goostay,waxaa laga helay xaafad la deggan yahay oo u dhow South Kenwood Drive dhanka Woqooyiga Charleston waxaana loo qaaday xarun caafimaad oo maxalli ah iyadoo ay xaaladdiisu deggan tahay, sida laga soo xigtay shabakadda wararka ee WCBD. Ninkii la waday diyaaradda ayaa si nabad ah isna ugu degey diyaaradda, sida uu sheegay isla wargayska WCBD.

Warkii ugu dambeeyey ee saldhigga cirka kasoo baxay ayaa sheegaya in kaddib xiriir ay ka sameeyeen Hay’adda Duullimaadyada Federaalka ee FAA ay diiradda saarayaan aagga u dhow saldhigga JB Charleston, gaar ahaan harooyinka Lake Moultrie iyo Lake Marion.

Hadalsame Media