Ma waxaa jira qorshe uu Zlatan Ibrahimovic kula soo noqonayo kooxda AC Milan?

0

(Hadalsame) 18 Sebt 2023 – Zlatan Ibrahimovic ayaa maanta booqday xerada tababarka Milanello kahor kulanka furitaanka heerka guruubyada ee Champions League ee ay berito la ciyaarayaan Newcastle United.

Kulanka dhexmaray jookarka Sweden iyo kooxda Rossoneri ayaa hadda la sheegay inuu ahaa mid la filayey oo horay loosii qorsheeyey waloow ay saxaafadda kedo ku noqotay waxaana horay loogu ballansanaa inuu soo salaamo dhammaan kooxda oo uu ka fariistay.

MAAMULKA MIYUU KU BIIRAYAA? Hadda, si kastaba ha ahaatee, weeraryahankii hore ee Sweden lama filayo inuu ku biiro kooxda sida inuu noqdo Agaasimaha Kooxda. Laakin mustaqbalka wax kasta ayaa dhici kara, sida uu qorayo Milan News.

Hadalsame Media