Ku dhowaad toban toogasho & Toorreey isugu jira oo Sweden ka dhacay todobaad gudihii (Waxaa xitaa bilaabatay in la beegsado ehelada gaangiska)

0

(Hadalsame) 18 Sebt 2023 – Sweden waxaa ka dhacday ugu yaraan sagaal toogasho iyo dilal kale sida toorreey mudo toban maalmood gudahood ah. Waxa ay toogashadan oo tii ugu dambeysa xalay ka dhacday Stockholm dhex mareysaa kooxo Kurdiyiin maafiyo ah oo maandooriyaha ka ganacsada, markii horena wada shaqeyn jiray.

Arinta aadka loo hadal hayo ayaa ah in dadka la dilay ay ka mid yihiin dad ehel la ah maafiyada laakiin aan wax lug ah ku lahayn arimahan, kuwaas oo qaab aargudasho ama aano ah loo dilay.

Waxa aad warbaahintu uga hadashay loolana yaabay dilka haweeneey 60 jir ahayd, taasoo hooyo u ahayd hogaamiyaha mid ka mid ah kooxahan.

Waxaa ugu dambeeyey nin 30-jir ahaa oo shalay fiidkii lagu toorriyeeyey xaafadda Lövgärdet oo ku taalla magaalada Gothenburg, weliba meel ay carruur badani dhoobnaayeen oo kubadda lagu ciyaaro.

Isla shalay oo Axad ahayd waxaa magaalada Jönköping si xun loogu dhaawacay wiil weliba Soomaali ah, kaasoo la isku dayayey in la dilo wuxuuna hadda yaalla isbitaalka oo uu dhowr qalliin ku maray.

Jimcihii waxaa isla xaafaddan Lövgärdet oo ka tirsan Angered, lagu diley wiil 17-jir ahaa. Weliba meel aad ugu dhow dugsi-horaad ay dhigtaan carruur aad u da’yar, taasoo keentay in iskuulka lagu xiro carruurta.

Sweden ayaa Turiga ka codsatay inay usoo gacan geliyaan hogaamiyaha mid ka mid ah kooxaha maafiyada ah oo Turkiga u baxsaday, balse Turkigu waa ku gacan seyrsay dalabkaas, maadaama uu ninkaas sidoo kale heysto dhalasho Turki ah.

Todobaadka bilaabanaya ayaa dowladda Sweden laga sugayaa inay go’aan ka qaadato dilalka kala aargudashada ah ee maalmahaan ka dhacayey dalkeeda.

W; D: Jibriil C Macallin & Max’ed Xaaji

Hadalsame Media