(Milano) 18 Sebt 2023 – Kooxda AC Milan ayaa markii 5-aad oo xiriir ah guuldarro kala kulantay kooxda Inter waana dhacdo rikoor ah oo aan abid horay u dhicin kaddib markii kulankii ugu dambeeyey ee Derby della Madonnina 5-1 la diray.
Kulankaas oo ay sidoo kale hareeyeen khaladaad garsoore, ayaa waxaa laba gool oo uu mid deg deg ahaa ku hormartay kooxda Inter Milan, balse Milan ayaa gelinkii dambe masaafada soo dhintay kaddib gool uu kasoo celiyey Rafa Leao.
Yeelkeede, Inter oo shucuur dheeraad ah iyo isku xirnaan badan muujinaysey ayaa markiiba Milan ugu dartay goolkii 3-aad ciyaartiin ka dhigtay 3-1, kaddib goolkii 2-aad ee uu dhaliyey Makhitaryan.
Haatan, waxaa soo baxay muuqaal muujinaya sida uu Leao oo ciyaarta 2-1 ka dhigay uu uga xumaaday goolkaa 3-aad oo la fahamsan yahay inuu jug macnawi ah u gaystey rajadii Milan oo waloow ay aad u kala daadsanayd misna quud darraynaysey inay ciyaarta kusoo noqoto.
Leao ayaa la sheegay inay caradiisu ku wajahnayd qaar ka mid ah daafaca kooxda oo kulankaa muujiyey khalkhal, isku xirnaan la’aan iyo jileec aad u fara badan, gaar ahaan hardanka 1 vs 1 ah.
Milan ayaa durba Talaadada isla San Siro ku wajihi doonta kooxda Newsastle United iyadoo doonaysa inay iska mayrto guushaa ceebeed eek a gaartey derby Mlilano, balse ma sahlana.
🎥 Leao’s reaction after Inter’s third goal in the derby
[@DAZN_IT] pic.twitter.com/CRW5DCxni2
— Milan Eye (@MilanEye) September 17, 2023
Hadalsame Media