Xildhibaanad Maraykankan ah oo laga cayriyey meel tiyaatar ah kaddib dhaqanxumo ay ku dhex samaysay oo raalligelin bixisay (Daawo)

0

(Denver) 17 Sebt 2023 – Xildhibaanadda aadka isu qiiraysa ee Jamhuuriga ugu jirta Congress-ka, Lauren Boebert, ayaa soo saartay raalligelin rasmi ah kaddib kaddib markii laga saaray bandhig tiyaatar oo ka socdey Denver ku lug lahaanshaha habdhaqan aan haboonayn oo ay sameeyeen iyada saaxiibkeed dartii.

“Maalmihii la soo dhaafay waxay ahaayeen maalmo adag oo hoos ii dhigaya,” ayay Boebert ayaa ku tiri bayaan ay soo saartay. “Runtii aad ayaan uga xumahay dhaqanka aan la rabin ee fiidnimadaydii Axaddii hore ee ay bulshadu ku baraarugtey.”

Boebert, oo 36 jir ah, waxay ku sharraxday bayaanka inay soo martay “furriin dhib badan” taasoo keentay “in waqti adag ay marayaan iyada iyo qoyskeeda oo dhan”, laakiin “si fudud wixii dhacay waa wax ka hooseeya qiyamkayga.” ayay qirtay.

Muuqaallada CCTV ee dhacdadan, oo internet-ka ku faafay, ayaa u muuqda inay muujinayaan lammaanaha Boebert oo si isdaba joog ah oo cad u gacmaynaya naasaheeda, halka labaduba ay sidoo kale u muuqdaan inay gacmahoodu meelo kalena ku jiraan.

Bandhig faneedkan ayaa waxaa si wayn uga soo qaybgalay carruur, sida uu qoray wargayska Ingiriiska ee The Guardian Sabtidii, taasoo muujinaya dhaqanxumada xildhibaanadda.

Warbixinnadu waxay sidoo kale tilmaamayaan in Boebert ay ‘sigaarka aan qaaca lahayn’ ku cabaysey qaacada inta uu lagu guda jirey bandhigga – kaasoo ah fal laga mamnuucay masraxa – waxayna diiday inay joojiso markii ay u yimaadaan shaqaalaha tiyaatarku.

Waxay sidoo kale diidey codsi ah inay joojiso sigaarka markii ay sidaa waydiisateyy haweeney uur leh oo ag fadhidey, New York Post ayaa qoray.

Si kastaba, markii dambe tiyaatarka oo dhan ayaa laga cayriyey.

Hadalsame Media