(Muqdisho) 17 Sebt 2023 – Maraykanka ayaa bayaan kooban kasoo saaray daah-furista Kaarka Aqoonsiga Somalia, sida ku cad war kooban oo kaso baxay Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.
Kaarka Aqoonsiga ayaa waxaa shalay Muqdiso ku daah-furay RW Xamse Cabdi Barre, isagoo yiri: “Maanta laga bilaabo dadkeennu waxay heli doonaan Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha oo ah xaq dastuuri ah, taas oo u fududeyn doonta in ay helaan xuquuqda buuxda ee ay dalka ku leeyihiin”.
Maraykanka ayaa isna sheegay waxa ay Somalia uga dhigan tahay inay muwaadiniintu yeeshaan kaarar aqoonsi oo lagu hayb garto qofka Somalia u dhashay.
”Safaaradda Maraykanka ee Somalia ayaa lagu sharfay inay maanta ka qaybgasho shirka Kaarka Aqoonsiga Qaranka Soomaaliyeed ee NIRASomalia,” ayay qoraalka ku bilaabeen.
”Samaynta nadaamka aqoonsiga qaran waa tallaabo muhim ah oo lagu xarig-furayo awoodda muhimka ah ee dhaqaale iyo tan bulsho ee Soomaaliya.” ayay daba dhigeen.
@US2Somalia was honored to participate in today’s Somali National ID Conference with @NIRASomalia. Establishing a national ID system is an important step in unlocking Somalia’s significant economic and social potential. #SNIDC2023 #SomaliaForward https://t.co/RawRYNrnbh pic.twitter.com/7WBkCks4EJ
— U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) September 16, 2023
Hadalsame Media