(Muqdisho) 17 Sebt 2023 – Ciidamada Nabad Ilaalinta KMG ah ee ATMIS ee hoos taga ururka Midowga Afrika ee howlgalka ka wada dalka Somalia, ayaa lagu wadaa inay dalka ka baxaan dhammaadka 2024-ka, sida horay loo qorsheeyey.
Waxaa ayna durbaba ka bexeen dhowr saldhig oo ay ka deganaayeen dalka Somalia oo ay ku wareejiyeen Ciidanka Xoogga Dalka oo haatan iyagoo kaashanaya dadka degaanka dagaallo xiriir ah ku qaaday Shabaabka.
Ciidanka Xoogga ayaa maanta la wareegey saldhigga muhimka ah ee degaanka Biyo CADDE oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.
”Wejiga labaad ee ka bixitaanka ciidamada ATMIS ayaa si rasmi ah u bilowday maanta oo Axad ah,”’ ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu faafiyey warbaahinta DF Somalia.
”Ciidamada Xoogga Dalka ayaa kala wareegey ciidamada ATMIS saldhiggii aagga hore ee degaanka Biyo Cadde ee gobolka Shabeellaha Dhexe.” ayaa la raaciyey.
Hadalsame Media