Aabaha dhalay askarigii badbaadiyey madaxwaynaha Galmudug oo markii ugu horreeysey hadlay halna ballanqaaday (Dhegeyso)

0

(Dhuusomareeb) 16 Sebt 2023 – Allaha u naxariistee aabbaha dhalay askarigii dhowaan la sheegay in uu is hor taagay naftiisana ku waayay qarax lagu weeraray mas’uuliyiin uu kamid yahay madaxweynaha Galmudud, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa la hadlay BBC da.

Aabbe Cabdiqaadir sheikh Maxamud oo dhalay askariga geeriyooday oo lagu magacaabo Axmed Shaakir Cabdulqaadir Sheikh Maxamuud ayaa ku amaanay falka wiilkiisu ku dhaqaaqay.

”Carruurta la dhalatay xitaa waxay diyaar u yihiin inay ciidanka qortaan oo ay qaranka difaacaan.” ayuu yiri Aabbe Cabdulqaadir.

Aabbe Cabdulqaadir ayaa sidoo kale ka hadlay billadda geesinimada ee madaxweynaha Galmudug ku maamuusay wiilkiisa.

Halkan ka DHEGEYSO….

Hadalsame Media