(New York) 16 Sebt 2023 – Donald Trump ayaa sheegay inuu soo dhawsynayo hadallada saaxiibtinnimo ee kasoo yeeray Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin, kaasoo sheegay in Moscow ay ku farxi doonto haddii Madaxwaynihii hore ee Maraykanku uu ku guulaysto nidarkiisa ah inuu haddii la doorto ku xalliyo xiisadda Ukraine maalmo gudahood.
Isagoo la hadlayey weriyaha NBC News ee Kristen Welker waraysi la daabacay Jimcihii, Trump ayaa wax laga weydiiyey ammaantii dhowaan ka timid hoggaamiyaha Ruushka, kaasoo sheegay todobaadkii hore in “Mr. Trump sheegay inuu dhowr maalmood gudahood ku xallin doono dhammaan arrimaha xasaasiga ah, oo ay ku jirto xiisadda Ukraine…Hagaag, taasi way fiicnaan lahayd.
“Waan jeclahay in uu sidaas yidhi sababtoo ah taasi waxay la macno tahay waxa aan leeyahay waa sax,” Trump ayaa ku jawaabay, isaga oo tixraacaya mowqifkiisa Ukraine, isaga oo raaciyay “Waxaan gelin lahaa qol, waxaan gelin lahaa [Madaxweynaha Ukraine] Zelensky qolka waxaanan heli lahaa heshiis la dhammeeyo.”
Si kastaba ha ahaatee, hadalladiisa Talaadadii, Putin ayaa dhab ahaantii sii sheegay in Moscow aysan filaynin wax isbeddel ah oo la taaban karo oo ku yimaada siyaasadda arrimaha dibedda ee Maraykanka oo ku wajahan Ruushka, iyada oo aan loo eegin cidda qaadanaysa Aqalka Cad kaddib doorashada sanadka soo socda.
“[Trump] waxaa lagu eedeeyaa in uu xiriir gaar ah la leeyahay Ruushka, taas oo ah war aan macno lahayn … Waayo waxa uu ahaa Madaxwaynaha soo rogey cunaqabataynta ugu badan ee ka dhanka ah Ruushka,” ayuu yiri Putin.
Hadalsame Media