MW Jubaland oo ku dhaqaaqay go’aan dood gelinaya midnimada geyi ee dalka Somalia (Falcelin kulul oo ka dhalatay)

0

(Kismaayo) 16 Sebt 2023 – Madaxwaynaha Maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa qaaday tillaabo gef ku ah madaxbannaanida gayi iyo midnimada dalka Somalia, kaddib markii uu sheegay inuu magacaabay wax u qaab eg Danjire u fadhinaya Kenya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka ayaa lagu sheegay in tillaabadan loo cuskaday xeer u degsan maamulka sida la yirina uu qabo ”Cutubka 4aad, Qodobka 72-aad, Farqadiisa 3-aad, taasoo awood u siinaysa madaxwaynaha inuu magacaabo xubnaha Golaha Fulinta Jubaland.

”Markuu Latashaday:- Madaxwayne ku-xigeenada Jubaland. Wuxuu madaxwaynaha Jubaland u magacaabay Mudane Sadiiq Cabdullaahi Bogaale, Wakiilka Jubaland u Jooga Dalka Kenya,” ayaa lagu bilaabay qoraalka.

Waxaa lasii raaciyey qoraal ugub ah oo aan nidaam ahaan horay loo arki jirin oo u dhigan; ”Magacaabistani waxay dhaqangalaysaa marka uu madaxwaynuhu sixiixo wuuna sixiixay.”

Caadiyan marka go’aan u baahan saxiixid madaxwayne lasoo saaro waxaa xilli kale la sameeyaa saxiixa e horay uma jiri jirin ”wuxuu ansaxayaa marka la saxiixo waana la saxiixay.”

Si kastaba, arrintan ayaa meel ka dhac ku ah midnimada dalka Somalia, waxaana aad uga falceliyey dadwaynaha oo ku tilmaamay arrin muujinaysa in Axmed Madoobe uusan qalbiga ku haynin wixii dan u ah dalka Somalia.

”Wakiil noocee ah ayuu yahay marka. Dowlad buu dalku leeyahay waaxay is-daba-yaaca madaxda gobollada waalay.” ayuu soo qoray Axmed Xasan oo ka mid ahaa dadkii ka falceliyey.

May be an image of 1 person, beard and smiling

Hadalsame Media