Laba laacib oo dacwad rasmi ah ku furan Juventus & Mid 3-aad oo qaatay go’aan kale

0

(Torino) 16 Sebt 2023 – Dacwad kale oo ka dhan ah Juventus ayaa waxaa gudbiyey ciyaaryahan hore oo Juventus ah. Toddobaad kaddib kiiskii uu isna gudbiyey Bonucci soo baxay (HALKAAN KA AKHRISO), arrinta ku saabsan mushaharka uu doonayo.

Cristiano Ronaldo ayaa waxa uu haatan dalbanayaa 19.9 milyan oo Yuuro oo nadiif ah oo aanu eli ka helin Juve taasoo dib loo dhigay xilligii Covid-19 (halkan ka eeg).

Kaddib markii uu isaga dokumentiyo ka codsaday xafiiska Dacwad-oogaha Torino, gooldhaliyaha reer Portugal ayaa wuxuu isna go’aansaday inuu qaado tillaabo sharci ah.

Paulo Dybala ayaase dhanka kale taa badalkeeda heshiis la gaarey kooxda Juventus oo uu lacago ku sheeganayey (waxaa la siinayaa qiyaastii 3 milyan oo Yuuro).

Weeraryahanka reer Argentine ayaa sidaa darteed ka tanaasuley kiiskii magdhowga ahaa ee uu kaga dacwoonayey inaan qandaraaska loo kordhin iyadoo mushaarka loo badinayo sida uu qabey heshiiskii ay labada dhinac ku jireen.

Hadalsame Media