Xisbiyada mucaaradka Sweden oo kasoo horjeestey samaynta sharci joojinaya Qur’aan gubista + Dooddooda

0

(Stockholm) 14 Sebt 2023 – Gubista nuqullo ka mid ah Qur’aanka Kariimka ah ee sanadkan ayaa gacan ka gaysatey kor u kaca cabsida khataro argagixiso oo ka dhan ah Sweden, kuwaasoo hadda lagu gaarsiiyey heerka afraad marka la eego qiimaynta halisaha noocan ah oo ilaa 5 darajo gaaraya.

Si xaaladda loo qaboojiyo, dowladda Sweden ayaa waxay doonaysaa inay eegto haddii ay suurtagal tahay in wax laga beddelo sharciga, si booliisku u helo fursado badan oo uu ku joojiyo ama uu ku bedelo meelaha loo qorsheeyo in kitaabka lagu gubo.

Ha yeeshee, xisbiyada mucaaradka ayaa si wayn u dhaleeceynaya qorshayaashaasi. Xisbiyada S, V iyo MP ayaa waxay aaminsan yihiin inay jiraan khataro waawayn oo ka jira arrintan, kuwaasoo ay ku jiraan in awoodo shisheeye oo halis ku ah Sweden ay awood u yeeshaan inay saamayn ku yeeshaan bedelaadda sharciga Sweden.

S, V iyo MP ayaa wada ilaa saddex dalab oo ku socda Ra’iisul Wasaare Ulf Kristersson (M) iyo xukuumadiisa. Halkan kasii aqri….

Waxay soo jeediyeen hindisayaal ay ka mid yihiin inuu madaxda xisbiyada ku casuumo shir arrintan ku saabsan, si dib u eegis loogu sameeyo dookhyo badan, tusaale ahaan in sharciga nacaybka dad gaar ah la adeegsan karo iyo in xukuumaddu tixgeliso iskaashi ka duwan kan hadda jira, tusaale ahaan inay iska fogeeyaan oo takooraan xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna.

Hadalsame Media