”Waayahaasi waa dhamaadeen” – Maraykanka oo si rasmi ah u qiray in caqabadi ku cududdii uu caalamka ku haystey + Qorshaha

0

(Washington, DC) 14 Sebt 2023 –  Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa ku andacoodey in dunidu ay u guurayso nidaam cusub oo diblomaasiyadeed kaasoo ay tahay in Washington ay horseed u noqoto si ay kaga gudubto khataraha isasoo taraya ee kaga imaanaya Ruushka iyo Shiinaha iyada oo la kaashanaysa xulafadeeda si ay kalsooni uga dhex abuurto wadamada ay ku fashilmeen nidaamkii hore.

“WAAYO ayaa dhammaanaya, kuwo cusub ayaana bilaabmaya, go’aamada aan hadda gaarnana waxay qaabayn doonaan mustaqbalka tobannaanka sano ee soo socda,” ayuu Blinken Arbacadii ku sheegay khudbad uu ka jeediyey jaamacadda John Hopkins ee Washington.

Waxa uu sheegay in “Nidaamkii Dagaalkii Qabow kaddib” uu dhamaaday iyadoo “tobannaan sano oo xasillooni juquraafi siyaasadeed ihi ay hadda jidka u banneeynayaan tartan sii xoogaysanaya oo lala galo awoodaha kalitaliska ah.” sida uu yiri.

”Magac ahaan, awoodahaas waxaa hoggaaminaya Ruushka iyo Shiinaha,” sida uu yiri Blinkeni, isagoo raaciyey “dagaalka gardarrada ah ee Ruushka iyo Ukraine waa kan ugu dhaqsaha badan, uguna khatar badan nidaamka caalamiga ah.”

”Shiinuhu waxa uu nagu yahay caqabada ugu wayn ee mustaqbalka fog, ayuu ku andacoodey, sababtoo ah waxa uu haminayaa in uu dib u qaabeeyo nidaamka caalamiga ah, waxana uu horumarinayaa dhaqaalaha, diblomaasiyadda, millateriga iyo tignoolajiyadda si uu sidaas u sameeyo.” ayuu saadaaliyey.

Hadalsame Media