Maraykanka oo warbaahinta dalka EU ah sharuur kumannaan Doollar ah ku siinaya war ku saabsan Ukraine (Maxaa la qorayaa?!)

0

(Warsaw) 14 Sebt 2023 – Qunsuliyada Guud ee Maraykanka ee magaalada Krakow ayaa ka codsanaysa xarumaha warbaahineed ee Polish-ka ah inay wax ka qoraan qaxootiga Ukraine “oo laabanaya misna ka qaybqaadanya dib u dhiska,” sida soo baxday Arbacadii. Washington waxay ku yaboohaysaa sharuur dhan $50,000 oo Doollar muddo sanad ah.

Mashruucan “saxaafadda gudaha Poland ee maxalliga ah iyo kuwa gobolka lagu farayo faafinta sheekooyinka Ukraine” ayaa markii ugu horreeysay ogaadey kanaalka Telegram ee Belarus. Waxaa laga heli karaa mareegta Safaaradda Maraykanka ee Poland, iyadoo ku socota magaca WAW-NOFO-FY23-05.

Ma cadda markii codsiga lagusoo gudbiyey webka Safaaradda. Si kastaba ha ahaatee, waqtiga kama dambaysta ah ee soo dalbashadu waa dhammaadka maalinta Jimcaha ah ee soo aaddan, Sebtembar 15.

Ujeedadu waa in “kor loo qaado warbixinno qoto dheer oo ay baahinayaan warbaahinta maxaliga ah iyo kuwa gobolka ee Poland taasoo ku saabsan noqoshada qoysaska Ukraine ee Poland iyo dadaalkooda dib u dhiska Ukraine, gaar ahaanna waxaa laga dhigayaa inay taasi ku timid iskaashiga u dhexeeya Poles-ka iyo dadka Ukraine.”

Ku dhowaad hal milyan oo qaxooti Ukraine ah ayaa Poland ku sugan xilligan. Sahanno badan oo lagu sameeyey kuwa degey dalalka EU-da ayaana muujinaya in in ka badan 40% aysan ku talo jirin inay ku laabtaan Ukraine xitaa haddii dagaalka Ruushku uu dhammaado, taasoo malaha noqonaysa sababta uu Maraykanku sharuur ugu bixinayo in la qoro wararkan laabashada.

Hadalsame Media